Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa booqdey dhaawacyada ku waxyeelloobay qarixii maanta ka dhacay Xaafadda Kaawo Godey ee degmada Wadajir, isla markaana sheegay in dhaawacyada daran loo sameyn doono daryeel caafimaad oo dibedda ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ay wehlinayeen taliyeyaasha NISA, Boliiska iyo Asluubta ayaa marka hore booqdey dhaawacyada dadka masaakiinta ah ee argagixisadu ku qarxiyeen Xaafadda kaawo Godey ee degmada Wajir, madaxweynaha oo aad uga qiireysan dhibaatadaasi, ayaa dhaawacyada qaar xog wareystay, isla markaana u ballan qaadey in si deg deg ah wax loogu qabanayo dadkaasi.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa marka hore u tacsiyeeyey dadkii ku dhintay weerarkii argagixisada geysatay, waxa uu ALLE uga baryayey kuwa dhaawacyada ahna in uu caafimaad siiyo, sidoo kale madaxweyne Farmaajo, ayaa sheegay in dhaawacyada halista ah loo fidin doono daryeel caafimaad oo dibedda ah, Madaxwaynaha soomaliya waxa uu ballan-qaadey in dowladdiisa ay ku abaalmarin doonto qofkii soo sheega Gaari walxaha qarxa lagu sameynayo 100,000 (Boqol Kun oo Dollar)
Leave a Reply