Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Waljameeca Shiikh Axmed Shaakir Cali Xasan ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee caasimada Somaliya, Xildhibaano iyo Wasiiro ka Tirsan maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Waljameeca ayaa kamid ahaa Wafdiga Madaxweynaha waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha magaalada muqdisho aadan Cadde mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaliya iyo Saraakiil Ciidan.
Intuu ku sugan yahay Magaalada Muqdisho waxa uu la kulmi doonaa madaxweynaha Dowladda Soomaliya Maxamed C/laahi maxamed Farmaajo, isagoo sidoo kale ka qeyb galaya Caleema saarkiisa oo dhacaya Maalinta Bari ah.
Leave a Reply