Cumar C/rashiid oo La Sheegay in uu Wax Ka Ogaa Heshiiska Saldhiga Milatari ee Berbera

cumar

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa la sheegay inuu wax ka ogaa heshiiskii Imaaraadka Carabta ee Saldhiga Milateri ka dhisaneyso magaalada Berbera, kaasoo muran badan dhaliyay.

Ismaaciil Hurre Buubaa oo horay u soo noqday Wasiirkii Arrimaha Dibadda dowladdii KMG aheyd, haatana ka mid ah Xisbiga Mucaaradka ee Wadani, ayaa sheegay in Cumar C/rashiid uu ku lug lahaa heshiiskaas.

Mr Buubaa oo la hadlayay wariyeyaasha kula hadlayay Hargeysa ayaa kashifay in Cumar C/rashiid qeyb ka ahaa heshiiskaas, isagoo xusay in Somaliland kaliya aanay heshiis geli karin.

“Warar sugan lama hayo, mana aha in warar ku tiri kuteen ah la sheego, laakiinse waxaanu iska garanaynaa in dawlad kasta oo Xamar timaada ay aragtideeda ka bixinayso, waayo kuwii markii horeba u ogolaaday Imaraadka waxay ahayd Dawladdii hore ee Cumar Cabdirashiid, waana laga war hayey, wax la isla ogaa bay ahayd, maahana wax Dawladda Xamar aanay ka war hayn, ee yaan dadka been loo sheegin”ayuu yiri Ismaaciil Buubaa

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.