Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan uu hogaaminayo ayaa maanta ka degey Casimada Garoowe, halkaas oo si diiran loogu soo dhoweeyey, Madaxweynaha iyo weftigiisa Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaraha Kanooko ee magaalada Garoowe ku soo dhoweeyey Madaxweyne ku xigeenka Puntland Egn. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey, Masuuliyiin ka tisan goloyaasha Puntland, maamulka gobolka Nugaal iyo kan Caasimada Garoowe, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo shacabka Magaalada Garoowe oo qayb ka ahaa soo dhoweynta Madaxweynaha.
Leave a Reply