Ciidammada Nabad Sugidda ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta toogasho ku dilay labo nin oo madaafiic ka ridday degmada Wadajir, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ammaanka, Labada Nin ee la toogtay ayaa la sheegay in mid ka mid ah uu isku dayay inuu ciidanka iska caabbiyo kaddibna uu galay Guri ku yaalla degmadaasi Wadajir, iyadoo markii danbe ay toogteen Askartu.
Saraakiisha Ammaanka ayaa sidoo kale sheegay in gaari ay wateen raggaan oo ay ku xirnaayeen walxaha Qarxa ay ciidamadu qabteen hayeeshee markii danbe uu qarxay gaarigaas.
Leave a Reply