Madaxweyne Jamhuuriyadda Fedreraalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa ka qayb galay munaasabada xuska 15-ka May Malinta Dhalinyarada Soomaliyeed wuxuuna ubax xusuus ah dhigay taallada SYL ee magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Dhalinyarada Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aaddan munaasabadda 15-ka May oo ah maalinta dhalinyarada Soomaliyeed, Islamarkaana ku beegan sannadguuradii 74-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ururkii SYL sanadkii 1943.
Leave a Reply