Senator Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex ayaa tacsi tiiraanyo leh u direy qoyskii iyo shacabka Soomaaliyeed geeridii naxdinta laheyd ee Gudoomiyaha waxabarshada Gobolka Galgaduud Cabdulaahi Colaad oo ku geeriyooday Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.
Senator Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex ayaa sheegay inuu aad uga naxay geeridaan ku timid walaalkii Cabdulaahi Colaad asagoo kala qayb galay galabta Munaasabadii lagu furaayey Jamacada Galgaduud dhismaheeda Cusub, waxuuna ilaahay uga baryey in janadii geeyo dambigiisana dhaafo eheladii uu ka tagayna samir iyo iimaan ka siiyo Amiin.
Leave a Reply