Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay Madaxweynihii hore ee Puntland Senator Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole.
Mudane Axmed Maxamed Islaam Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay booqashada Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole uu ku yimid Magaalada Kismaayo oo uu xusay in ay tahay mid rasmi ah isla markana uu inta uu joogo wakhti la qaadan doono bulshada Magaalada oo uu sheegay in mudo ay ugu danbaysay.
Leave a Reply