Wafdi Wasiiro ah oo ka socda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay kulan kula laqaateen Baarlamaanka Hirshabbele magaalada Jowhar, Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdi Faarax Juxa, waxaa wehliya Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Wasiirka Waxbarshada, Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle Shiikh Cismaan Barre Max’ed ayaa Dowladda ka dalbaday in ay taageerto Tallaabadii ay codka kalsoonida kala laabteen Xildhibaanada Madaxweynihii hore ee Hir-Shabeelle Cali C/llaahi Cosoble oo bartamihii todobaadkaan ay cod u qaadeen Xildhibaano gaaraya 68-Mudane.
Leave a Reply