Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan la qaatay Culumada Soomaaliyeed oo uu kala hadlay armo badan oo kamid yihiin sidii loo xoojin lahaa doorka culumada iyo dib u dhiska dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in culumada door weyn ku leedahay hoggaminta Bulshada dhan walba, waxaana idinkula dardaarmayaa inaad bulshada aad ka wacyigelisaan sidii dib u dhiska dalka looga wada qeybqaadan lahaa, sida soo celinta amniga, nabadeynta, dib u heshiisiinta, iyo in bulshada Soomaaliyeed ay noqdaan kuwo xoojiya midnimadooda, wax-wadaqabsigooda iyo illaalinta sharafta iyo karaamada qofka Soomaaliga ah.
Leave a Reply