Haweeney Xaamilo ah oo lagu Kufsaday Magaalada Garowe

Wararka ka imaanaya Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland ayaa sheegaya in Haweeney ka mida Dadka Barakacayaasha ah ee ku nool Garowe oo aheyd Xaamilo lagu Kufsaday Magaaladaasi.
Haweeneyda oo la heyd Uur 8 Bilood ah,ayaa la sheegay in Kaam ay ka daganeyd Magaalada Garowe lagu Kufsaday,waxaana la tilmaamay in Ninkeeda oo la joogay ay Qori ku qabteen Rag Hubeysan oo Kufsaday Haweeneyda.

Ciidamada Ammaanka Puntland ee Magaalada Garowe ayaa wada Howlgallo lagu baadi goobayo Kooxdii ka dambeysay Kufsiga Haweeneyda Xaamilada ah,waxaana la dhigay Isbitaal ku yaalla Magaalada Garowe Haweeneydii Kufsiga loo geystay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.