Ahlusunna oo isku Khilaaftay wadahadal lala gala Galmudug.

Ahlusunna Waljamaaca ayaa maanta isku Khilaaftay wadahal ay la galaan Maamulka Galmudug kaas oo ka furmi lahaa deegaanka Mareer-gur ee gobalka Galgaduud sida ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug.

Madaxda ugu sareysa Ahlusunnada Gobalada Dhexe ayaa la sheegay in ay isku Khilaafeen Wadahalkaasi maanta ka furmi lahaa Mareer-gur, wararka qaar ayaa sheegaya in qaar ka mid ah Saraakiisha Ahlsunna ayaa diiday in lala fariisto Galmudug halka kuwa kalane ay ogolaadeen in lala kulmo Madaxda Galmudug.

Mas’uuliyiinta Galmudug ayaa  sheegay in kulankii maanta uu ka fashilmay dhinaca Ahlusunna taasina ay Sabab u tahay Khilaaf soo kala dhax-galay Dhinaca Ahlusunna balse ay wali rajo ka qabaan in kulankaasi uu dhaco.

Ururka Ahlusunna ayaa u muuqda mid sii bur buraya waxaana la sheegay in saraakiishooda ugu sareysa u muuqdaan kuwa ka sii baxaya Ururkaasi kadib dagaalkii Xeraale iyo Xariiro ka imaanaya dhinaca Galmudug

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.