Madaxweynaha Somaliland oo qalliin caafimaad ku galay Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa howlo caafimaad u jooga dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, Warbaahinta Somaliland ayaa baahiyay in Madaxweynaha qalliin lagu sameeyay, iyadoo Madaxtooyada Somaliland ay si deg deg ah arrintan uga hadashay.

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Xuseen Deyr oo wariyeyaasha kula hadlay Hargeysa ayaa sheegay in xaalada caafimaad ee Madaxweyne Siilaanyo ay wanaagsan tahay, isla markaana uu maray qalliin yar.
Jimcihii ayuu Madaxweynaha u baxay baaritaan Caafimaad, Abu dubai ayuu ku sugan yahay, waxaa uu Madaxweynuhu galay baaritaan caafimaad oo hal maalin ah, qabsin ayaa laga qalay, caafimaadkiisana waa wanaagsan yahay 100%”ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland.
Waxaa uu sheegay in qaliinka aanu aheyn mid weyn oo jeexid ah, balse habka casriga ee qaliinka lagu fuliyo ee leesarka lagu sameeyay, isagoo waxba kama jiraan ku tilmaamay sida warbaahinta qaar u baahinayaan.

Qaliin wuxuu noqon karaa mid farta laga qalo ama wadnaha, laakiin Qaliinka Madaxweynaha wax weyn ma ahan, qabsan ayaa lagaga saaray, qalabkan Teknoolijiyada ee Leysar System ayaa lagaga saaray, maantaba wuu socdaa, xaaladiisa caafimaad waa wanaagsan tahay ayuu yiri.

Xuseen Deyr ayaa sheegay in Madaxweyne Siilaanyo uu sida ugu dhaqsiyaha badan ugu soo laaban doono Hargeysa, isagoo xusay in galabta uu la balansan yahay Mas’uuliyiin ka tirsan Imaaraadka Carabta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.