Wararka ka imaanaya Magaalada Cadaado oo xarun KMG ah u ah maamulka Galmudug ayaa soo sheegayo in xalay kulamo aan loo kala kicin ay Madaxtooyada Cadaado Ku yeesheen Wafdi uu hogaaminayo General Maxamed Nuur Galaal kuwaas oo ka socda Maamulka Ahlusunna.
Kulumada ayaa ahaa kuwo aan loo kala kicin Waxaana Madaxweyne Xaaf Ku wehliya kulankaasi Mas’uuliyiin kale oo Galmudug ka tirsan oo ay Ku jiraan Xildhibaano iyo Wasiiro.
General Maxamed Nuur Galaal ayaa ka tirsan Ciidankii hore ee xoogaa Soomaaliya waxa uuna sanadahii la soo dhaafay la taliyo u ahaa Madaxda Ahlusunna waxaana la sheegaa in uu yahay shakhsi oo ay Madaxda Ahlusunna aad u qiimeeyaan hadalkiisa.
Rajo wanagsan ayaa laga qabaa in natiijo ay ka soo baxdo kulankooda inkastoo ay jiraan warar kale ee sheegaya in ahlusunna ay usii kala jabtay laba garab
Leave a Reply