Baaq Nabadeed oo kayimi qurbajoogta Beesha Ugaadhyahan oo ku wajah Biyo-Guduud iyo Buuhoodle

Shir ay isugu yimaadeen qurbajoogta Beesha Ugaadhyahan caawa oo bishu tahay 22/08/17. Shirkaa oo lagaga arinsaday colaaada kasoo kordhay deegaanka Biyo-Guduud ee gobolka Sanaag, waxaana laga soo saarey qodobadan hoos ku qoran.

1)Waxaanu ka xunahay aadna uga xumaanay dadka walaalaha ah ee isku abtiga ah, ee isku deegaanka ah, oo dhiig iyo dhalasho wadaagta ah ee isku dilay deegaanka Biyo-Guduud ee gobolka Sanaag.

2)Waxaanu ku baaqinaa in si tolnimo ah arinka lagu dhameeyo, iyadoo lays ku garaabayo, wixii dhacayna si walaal tinimo ah loo bogsiiyo.

Iyadoo la eegayo duruufaha adag ee lagu jiro iyo wanaagii taariikheed ee ka dhexeeyey dadka deegaanka gobolka Sanaag gaar ahaan beelaha Hartiga oo ku caano maalay nabad kuwada noolaanshaha dhulka ilaahay kuwada beeray.

3)Waxaanu ugu baaqinaa waxgaradka iyo culima-awdiinku inay doorkooda ka qaataan. Ugu danbayn waxaanu ilaahay uga baryinaa intii dhimatay in eebe u naxariisto. Waxaanu kale oo aanu isla soo qaadnay colaadii iyana ka dhacday deegaanka Buuhoodle maalmo ka hor.

Iyadoo beeshu hore uga hadashay’ kana xun wixii dhacay.waxaanuna bogaadininaa sida fiican ee ay ilaa hadda wax usocdaan, sidoo kale waxaanu u sheeginaa beelweynta Dhulbahante inuu xanuunsaday Garaad Saleebaan Garaad Maxamed isagoo usoo xidh-xidhan deegaanka Buuhoodle ‘uuna ku maqan yahay xaalad caafimaad awgeed.

Wabillaahi tawfiiq. Qurbajoogta Beesha Ugaadhyahan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.