Guddoomiyaha G/Banaadir oo xalay furay Taalladii Axmed Gurey oo dib u habeen lagu sameeyaa

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa caawa furay Taalladii Axmed Gurey ee ku taal Isgoyska KM4, taasoo dhowaan la dayactiray.

Guddoomiye Taabid ayaa sheegay inay wadaan qorshe ballaaran oo lagu soo celinayo, laguna dayactirayo taallooyinkii taariikhiga ahaa iyo goobihii nasashada ee ay magaaladu lahayd.

Mashruuca lagu dhisay taaladan oo muddo soo socday ayaa waxaa maalgeliyay shirkadaha Isgaarsiinta, waxaana uu ahaa mashruuc muddo soo socday oo ka horeeyay maamulka cusub ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha ayaa ammaanay qaabka quruxda badan ee loo dayactiray taalladan, waxaana uu sheegay in mashruucan ay xigi doonaan kuwo la mid ah oo lagu soo nooleynayo astaamihii qaranka.

“Taalladan ma aha oo kaliya goob taariikhi ah ee sidoo kale waa goob istaraatiiji ah oo isku xirta degmooyin badan, kuna xirta garoonka diyaaradaha. Waxaan dooneynaa inaan ololahan sii wadno si aan u soo celino quruxdii ay caasimaddu lahaan jirtay” ayuu yiri guddoomiye Taabid.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay si buuxda kala shaqeyn doonaan Xukuumadda federaalka iyo shacabka Muqdishaba sidii dib loogu soo nooleyn lahaa, loona dayactiri lahaa taallooyinka qaranka iyo goobihii nasashada oo intooda badan ku burburay dagaalladii dalka ka dhacay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.