Aasiya Cumar oo aheyd hooyo Soomaaliyeed oo dhalinyaro ah ayaa Isniinti lagu dilay magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska, kadib marki uu toorreeyay seygeeda oo lagu magacaabo Aadan Daahir.
Ayaan Cabdulaahi Macalin oo ku sugan magaalada Bristol, qaraabo dhowna ay yihiin marxuumad Aasiya Cumariyo odaygeedii Adaan Daahir ayaa sheegtay in Marxuumada ay aheyd qof dagan balse dhawaanahaani uu qilaaf uu ka dhaxeeyey.
Arrintan ayaa la sheegay in ay ka dhalatay kadib khilaaf yar oo maalmahan ka dhex jiray Aadan Daahir iyo xaaskiisa ooo uu gacantiisa ku dilay, wuxuuna dilkeeda u adeegsaday Mindi, taasi oo uu kaga dhuftay qeybaha dhexe ee jirkeeda.
Marxuumada oo dhaawaceeda loola cararay Isbitaalka ayaan suurta gelin in wax laga qabto xaaladeeda Caafimaad maadaama Dhaawaceeda uu halis ah sidaasina ay ugu dhimatay gudaha Isbitaalka.
Aadan Daahir oo ah eedeysanaha la tuhmaayo in uu ka dambeeyo dilka Haweeneyda uu qabay ayaa Booliska Dalkaasi Britain ay baadi goobayaan
Leave a Reply