Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Q.M. iyo Wafdi uu hogaaminayo oo soo gaaray Magaalada Muqdihso.

Jeffrey Feltman oo ah Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ee dhinaca siyaasada  ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, isagoo kulamo Xiligaan la qaadanaya Madaxda dowladda.

 

Jeffrey Feltman ayaa Madaxda dowladda kala hadli doona arrimaha siyaasada, horumaradii la sameeyay iyo waxyaabaha hor-yaala sida dib u eegista dastuurka iyo sidii dalka uga dhici laheyd doorasho qof iyo cod.

Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo uu wehliyo Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa hada kulan la leh Guddoonka Baarlamaanka labada Aqal iyo Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya.

Kulankan ayaa looga hadlayaa arrimaha dib u eegista dastuurka iyo siyaasad loo dhan yahay, waxaa kulanka ku sugan Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo kuxigeenkiisa Abshir Bukhaari iyo Ra’iisal Wasaaraha soomaaliya Xasan Cali Kheyrre

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.