Ciidamo Loogu Talagalay La Dagaalanka Argagixisada Oo Tababar Loogu Furay Muqdisho

Christopher Kashita oo ah tababare katirsan howlgalka AMISOM  ayaa sheegay in tababarkaan ay taageerayaan Qaramada Midoobe u jeedka laga leeyahayna ay tahay in kor loo qaado awooda ciidamada police-ka sooomaliyeed si loo hormariyo qaabka ay ugu shaqeynayaan nabad galyada bulshada.

Waxaana sidoo kale uu tilmaamay in u jeedku yahay kor u qaadista  qoonta,xirfada iyo akhlaakhda ciidamada booliiska dowlada federalka soomaaliya.

Waxaa General Kashita oo ah sarkaal tababarada u qaabilsan AMISOM  uu sheegay in ay ka go’antahay howlgalka amisom taageerda iyo dib u dhiska hay’adaha amaanka oo ciidamada booliisku ay ugu horeeyaan.

Taliye ku xigeenka ciidamada police-ka soomaaliyeed General Muktar Hussein Afrah ayaa waxa uu sheegay in howlgalkan uu qeyb ka yahay dadaalada qalabeynta laga maarmaanka u ah ciidamada booliiska iyo dhisida qibradooda shaqo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.