Bashiir Daahir Dhagabadan waa Gudoomiyaha Degmada Xeraale waxa uu Gedotimes uga waramay Tirada Qoysaska ku Barakacay Colaadda Xeraale, isagoona sheegay in Dadkaas aysan jirin Cid Taakulo lasoo gaartay una Baahan yihiin Gargaar dhan waliba ah.
“Xeraale 6450 Qoys baa ka barakacday oo Duurka jirta, Kuwii wax heli karay Degmooyinka nagu heeran bay galeen, kuwii kalana Magaalada Banaankeeda iyo Tuulooyinka bay Daadsan yihiin, ka Maamul ahaan waxaan awoodno kama aanan Hagranayn, Xaqiiqdii Kaalmooyin yar bay heleen oo uga yimid Shacabka Caabudwaaq iyo Balanbale, laakin wax Kaalmo ah oo Hay’ad ukeentay Wali maanaan Arag” Ayuu yiri Gudoomiyaha Xeraale.
Gudoomiye Bashiir ayaa sheegay in iyaga aysan lahayn awood lagu caawiyo dadkaan balse ay dirayaan qaylo dhaan ku saabsan ugurmadka dadkaan isagoona dhanka kale sheegay in ay wadaan qorshe dib loogu celinayo dadkaan Magaalada wallow wali xiisad Colaadeed ay halkaasi kajirto.
Dhinaca kale Dagaalka Xeraale ayaa Sababay in Gabi ahaanba ay xirmaan Goobihii Ganacsi ee Magaaladaasi maadaama Badi dadkii halkaas ku noolaa ay barakaceen, Sidoo kale waxaa uu dagaalkaan kusoo aaday Xilli Ardayda wax kabarata iskuulada Magaaladaasi ay dib uga laaban lahaayeen Fasaxa Sanad Dugsiyeedka hayeeshee waxaa gabi ahaanba xiran iskuuladi magaalada isla markaana Ardaydii waxbaran jirtay ay soo wajahaday waxbarasho la’aan.
HALKAAN HOOSE KA DHAGAYSO CODKA GUDOOMIYAHA XERAALE:
Leave a Reply