Dhagayso: Kulanka Golaha Wasiirada Somalia oo Arimo Muhiim ah looga Hadlay.

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta ka qabsoomay Muqdisho.

Shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa waxaa warbixino looga dhageystay Hay’adaha amniga, Wasiirka Dastuurka, Waxqabadka Dowladda, Wasiirka Maaliyadda.

Sidoo kale Golaha Wasiirada ayaa waxa maanta lagu qeybiyay laba hindise sharciyeed oo cusub, sharciyadaasi oo kala ah Sharciga dambiyada jinsiga oo ay soo diyaarisay Wasaarada Haweenka iyo sharciga ururada aan dowliga aheyn oo uu soo diyaariyay Wasiirka Qorsheynta.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa kulanka kadib warbaahinta u faah faahiyay waxyaabihii looga hadlay kulankii maanta ee Golaha Wasiirada.

Halkaan hoose ka dhagayso:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.