Koonfur Galbeed oo digniin u dirtay dadka Garsoorka u doonta Shabaab

shariif

Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa digniin adag u diray dadka Garsoorka u raadsada degaanada ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab .

Koonfur Galbeed waxa ay sheegtay in dadkaasi tilaabo adag laga qaadi doonto ,islamarkaana cidii lagu helo la marsiin doono ciqaab adag.

Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Baay iyo Wasiirka amniga Maamulka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen, ayaa digniintaan si wadajir ah u soo saaray.

Korneyl Mahad C/raxmaan Aadan Taliyaha Ciidamada Booliska Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa shacabka Baydhabo ku nool u sheegay inaysan aadi karin dhuka Shabaabka ay joogaan, sidoo kalena aysan u tagi karin arrimo Garsoor.

“Maxkamadda beenka Al Shabaab dadka aada, oo Shabaab u dacwooda ayaa la faray ciidamada Booliska inay qabtaan Golaha Wasiirada ayaana na faray, cidii lagu arko iyadoo Shabaab u dacwoonaysa, in la soo qabto sharciga in la horgeeyo oo maxkamadda ciidamada la geeyo, tallaabo sharci ah ayaana laga qaadi doonaa.” Ayuu yiri Taliyaha ciidamada Booliska Gobolka Baay.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa bilihii lasoo dhaafay soo saaray digniino kala duwan oo ku wajahan dadka xiriirka la sameeya dagaalyahanada Al-Shabaab

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.