Militriga dalka mareykanka ayaa xaqiijiyay in ay ku lug lahaayeen weerarkii shalay ka dhacay deegaanka bariire oo katirsan gobalka shabeelaha hoose xili ay taageero siinayeen ciidamada dowlada federalka soomaaliya kaa oo dad shacab ah ay ku dhinteen.
War kooban oo ka soobaxay taliska howlgalka mareykanka qaarada Africa ee loo yaqaano Africom ayaa lagu sheegay in ay ka warqabaan waxyeelada shacabka ka soo gaartay weerarkaasi oo ilaa imika ay wadaan qiimeyn ku wadaan xaaladda ku sidii weerarkaasi uu ku dhacay.
Gudoomiye ku xigeenka gobalka shabeelaha Hoose ayaa xaqiijiyay dilka 10-qof oo dad beeraleey ahaa in weerarkaasi lagu dilay iyadoo meydadka la dilay ;lagu soo bandhigay magaalada Mogadishu.
Balse wasiirka warfaafinta dowlada federalka soomaaliya En Omar cusmaan yariisow warsaxaafadeed uu soo saaray ayaa waxa uu ku sheegay in weerarka lagu dilay 8 katirsan dagaaalyahanada xarakada al shabaab oo aysan jirin dad shacab ah oo waxyeelo ay ka soo gaartay iyadoo markii dambe warsaxaafadeedkaasi dowladu ay la noqotay.
Leave a Reply