Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Sheekh Aadan-Siiro), oo kamid ah Culimadda Maamulka Somali-land ayaa sheegay in Masuuliyiin Somaliland ka tirsani ku lug-leeyihiin tahriibka, isla markaana ay qayb ka yihiin Shabakadaha ku Shaqaysta Tahriibinta Dhalinyarada.
Sheekhu waxa kale oo uu khudbaddiisa Jimcaha kaga hadlay Dhallinyarada reer Somaliland ee Tahriiba, isagoo waanana u soo jeediyey oo uu yiri; “Shaqadii Qaranka (Xilligii Soomaaliya) waxaan joogay Iskuulka Faarax oomaar, 9 Fasal oo Fasallada 3-aad ee Dugsiga sare ah ayaa joogay halkaa, 180 Wiil, oo ka ugu weyni yahay 17 Jir ayaa Maalin keliya tallaabay (ku biiray SNM), waxaan uga jeedaa Dalkan waxa xorreeyay 16 Jirro oo ku lugo beelay, kuna Dhego-beelay. Maanta oo wax walba isa saaran yihiin, Dhibna aanay jirin inaad Tahriibtaan oo aad Gaalo isku dhiibtaan waa arrin aad u layaab badan, markaa Dhallinyarada waxaannu ku waanineynaa (in aanay Tahriibin).”
Waxaanu Sheekh Aadan-Siiro intaa sii raaciyey in Dad maamulka ka mid ahi ku lug leeyihiin Tahriibka Dhallinyarada, waxaanu yiri.
“Waxa ka sii layaab badan kuwa Maamulka haya ee kuwa Carruurta Tahriibiya ah ee Hargeysa jooga, Xarumahooda Gobollada, Telefoonnadooda iyo Magacyadooda la hayo, halka Lacagtooda lagu shubo iyo Saacadaha ay Carruurta kexeeyaanna la garanayo.”
Sheekh Aadan-Siiro wuxuu dhallinyarada Somali-land ka waaniyey inay Tahriibaan isla-markaana aanay Hooyooyinkood ku khasbin inay inay ka hor ooyaan Dad kale, si ay uga helaan Lacag ay iyaga ku soo bedbaadiyaan, iyagoo awalba ku soo koriyey Daasad daasad Tamaandho ah oo ay suuqa la fadhiisteen.
Leave a Reply