Xildhibaano Ku Baaqay In Degdeg Wax Loogu Qabto Dadku Ay Abaartu Saameysay

Waxa uu sheegay xildhibaanka in deegaannada Galmudug ay weli ka taagan tahay abaarta, islamarkaana aanay jirin gurmad ku filan dadka oo loo geeyay.

“Abaarta ka jirta Galmudug weli waa sideedii, gobollada kale roob bay heleen, balse halkaan roob weli kama aanu di’in, xaaladda meel adag ayeey mareysaa, waxaana loo baahan yahay in dadkaan loo keeno gurmad degdeg ah” ayuu yiri xildhibaan Axmed.

Dhanka kale, xildhibaanka ayaa si gaar ah waxa uu ugu baaqay guddiga gurmadka abaaraha ee heer qaran in shacabka Galmudug lasoo gaaraan gurmad degdeg ah.

Deegaannada Galmudug waxaa aad u saameeyay abaarta, deegaannada qaarna dadku abaar darteed ayeey uga barakaceen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.