Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ay la wareegeen deegaano ka Tirsan Gobolkaas Kadib dagaallo culus oo ka dhacay deegaan kala qeybiya magaalooyinka Marka iyo Buula Mareer.
Al-shabaab ayaa la wareegay deegaanka Golweyn oo ka tirsan gobolka Shabeelaha hoose dhawaana uu ka dhacay dagaal AMISOM loogu dilay 41-askari kuwa kalana loogu dhaawacay.
Dad ku sugan deegaanka Golweyn ayaa sheegaya in Ciidamada Al-shabaab ay haatan la wareegeen deegaankaas halka ciidankii dowladda Federaalka ay u ruqaansadeen dhanka degmada Buula Mareer.
Dagaal bishii July.2017 ka dhacay deegaanka Golweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa lagu dilay in ka badan 41 askari oo katirsanaa melleteriga Uganda ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM ee Soomaliya ku sugan
Leave a Reply