Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa Xubnaha Golaha Wasiirada Maamulkiisa uga digay inay Kulamo aan la ogeysiin Xafiiska ay la qaataan Madaxda Qaramada Midoobay iyo Wakiilada wadamada Caalamka ee daneeya Siyaasada Soomaaliya waxa uuna Xusay in uu tilaabo muuqata ka qaadi doono Wasiir lagu helo in amarkaasi jabiyey.
Madaxweyne Xaaf ayaa Golaha Baarlamaanka iyo Wasiiirada ka dalbaday inay ku soo war-galiyaan Shaqsigii Xukumadda ka tirsan oo kulan qarsoodi ah la yeesha Madaxda Qarmada Midoobay ee Soomaaliya si uu Tilbaabo deg deg ah uga qaado taasi oo noqon karta in Xilka laga qaado.
Madaxweyne Axmed Ducaale ayaa xusay Beesha Caalamanka ay Galmudug ka sugayso dhaqaale Badan oo dib u dajin loogu Saameyo dadka Colaada iyo Abaartu ay deegaanadoo ka Barakicisay si loo hubiyana loo baahan yahay in la Xakameeyo dhaq-dhaqaaqa ay Sameynayaan Mas’uuliyiinka Maamulka Galmudug iyo Kuwa Qaramada MidoobAy ee yimaada Deegaanada Galmudug.
Halkaan ka dhageyso:
Leave a Reply