Maxkamadda sare ee Kenya oo dhageysaneysa Dacwad ka dhan ah Doorashadii Dalkaas ka dhacday

Maxkamadda sare ee Wadanka Kenya ayaa Maanta u fariisaneeysa dhageeysiga Dacwad ay Maxkamadda u gudbiyeen Isbaheeysiga Mucaaradka Kenya ee NASA loo soo gaabiyo.

Shan Garsoore oo Maxkamadda ka tirsan ayaa Dacwadda Dhageeysanaya, waxaana Garsoore-yaasha looga Fadhiyaa in ay Go’aankooda ku gaaraan Muddo 20 Cisho Gudohood ah.

Isbaheeysiga NASA oo Dacwadda geeyay Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa ku doodaya in Doorashadii Kenya ka Dhacday 8dii Bishaan la Musuq-maasuqay oo loo dhacay Computer-raddii loo isticmaalayay Tirinta Codod ka Doorashadda, islamarkaan ay iyagu heeleen Aqlabiyadda Codadkii laga dhiibtay Doorashaddii Kenya.

Xisbiga Jubalee oo ay Guddiga Doorashooyinku sheegeen in ay  Doorashadda ku guuleeysteen ayaa ku doodaya in sidii Gudiga Doorashooyinku shaaaciyeenba ay iyagu Doorashadda ku Guuleeysteen.

Dhageeysiga Dacwaddaan ayaa waxaa si Buuxda indha ugu haya Bulshadda Reer Kenya, Dowladaha Dariska la ah Kenya iyo Ergadii kor joogtada ka ahayd  Doorashadii Dalkaasi ka dhacday Sideedii August 2017

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.