Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, fadhigii golaha wakiillada Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku doortay xildhibaan Axmed-Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle gudoomiye ku-xigeenka kowaad ee golaha, iyadoo laba xildhibaan oo kale kula tartameen jagadaasi.
Fadhiga oo uu gudoominaayay gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland, Baashe Maxamed Faarax, waxaa fadhiyay 71 xildhibaan, iyadoo Axmed-yaasiin sheekh Cali Ayaanle, ay doorteen 50 xildhibaan, halka xildhibaan Xasan Muuse Hufane oo la tartamay uu helay 16 cod, xildhibaan Axmed Cabdi Kaahina isna uu helay hal cod oo keliya.
Gudoomiye ku-xigeenka 1aad ee maanta la doortay waa nin dhallinyaro ah oo laga soo doortay gobolka Awdal, waxa uuna xisbiga Kulmiye.
Jagadan gudoomiye ku-xigeenka 1aad ayaa banaanaatay kadib markii Baashe Maxamed Faarax oo ahaa gudoomiye xigeenka 1aad ee golaha wakiillada muddo dheer loo doortay gudoomiyaha golahaasi 6-dii bishan 2017.
Gudoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha wakiillada ee la doortay Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle ayaa khudbad kooban oo uu jeediyay wuxuu sheegay inuu ku hogaaminaayo 82 xubnood ee golahaasi caddalad, dhexdhexaadnimo iyo wadatashi
Leave a Reply