Wareegto kasoo baxday madaxweyne ku-xigeenka Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha, Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa shaqadii looga joojiyay taliyihii ciidamada Booliiska Puntland, Cabdulqaadir Farax Shire Ereg.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in taliye Ereg shaqo fariisintiisa sabab u tahay sii daynta maxaabiis ku xirnaa xasbiyada Puntland oo galay dambiyo kala duwan inkastoo aysan ku jirin shakhsiyaad ku eedaysnaa Al-shabaab
Tallaabadan ayaa timid xilli Madaxda Puntland dhowr jeer oo hore loo gudbiyay cabasho ka dhan ah shaqada taliyaha Booliiska.
Shaqo fariisinta Taliyaha ciidamada Booliiska Puntland, ayaa kusoo aaday waqti Madaxweyne Gaas ku maqanyahay waddanka Sacuudiga isagoo u aaday inuu soo guto Acmaasha Xajka oo maalmo kooban inaga xigto
Leave a Reply