Akhriso:-Natiijo Hordhac ah Weerarkii Lagu Laayay Shacabka ee Deegaanka Bariire

Guddoomiyaha Degmada Awdheegle ee Dowladda Soomaaliya ayaa soo saaray waraaq uu ku faahfaahinayo natiijada maamulka uga soo baxday baaristii ay ku sameeyeen weerarkii  dhawaan ka dhacay degmadaas.
Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay waxyaabo badan oo ku saabsan dadkii la laayey, isagoo sheegay inay dadkaas ahaayeen dad hubeysan oo naftooda iyo maalkooda difaacanayey iyagoo ka cabsanayey beelo kale.

Dhanka kale Guddigii Dowladda Soomaliya u magacowday arintaas ayaa maanta oo Arbacaha ah laga sugayaa in ay soo bandhigaan Natiijadda baaritaanka weerarkii lagu laayay shacab Soomaliyeed ee ka dhacay deegaanka bariire ee Gobolka Shabeelaha hoose

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.