Maamulka G.banaadir oo Sheegay in kooxaha burcada ah ay ula dagaalami doonaan sida al-shabaab oo kale.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C\fitaax Cumar Xalane oo Wareysi siinayay Idaacadda Kulmiye ayaa waxaa uu sheegay in Laamaha Amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka adkaadeen kooxihii burcadda ahaa ee xilliyada Habeenka Bililiqeysan jiray Dadka Shacabka ah waxaana afhayeenku uu hoosta ka xariiqay  in uusan jirin tuug ku dhiiran kara in uu dhac ka geysta Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Afhayeenku Waxaa uu sheegay in Kooxaha burcadda ah ee dhaca u geysaanaya shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Degmooyinka Gobolka banaadir ciidamada Amaanku ay ula dagaalamayaan sida Alshabab oo kale.

Sidoo kale  Afhayeenku waxaa uu sheegay in Shacabka looga baaahan yahay in ay la shaqeeyeen Ciidamada dowladda Soomaaliya islamarkaana ay ku wargaliyaan tuugada markii ay arkaan.

Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa dhorjeer howlgallo ay ka sameyeen Degmooyinka gobolka Banaadir waxaa ay ku qaqabteen kooxo hubeysan oo xilliyada habeenka dhac ugeysan jiray dadka shacabka ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.