Xildhibaanada aqalka sare ee baarlamanka Federaalka Soomaliya ayaa lagu wadaa in ay maanta yeesheen kulankooda caadiga ahaa
Xildhibaanada ayaa diirada saari doona go’aankii golaha wasiirada, iyo dhibbane Cabdikariin Sh. Muuse (Qalbi Dhagax) waxaana la filayaa in ay shirkooda kasoo saaraan go’aano.
Haddii ay dhacdo in aqalka sare qaato go’aan lidi ku ah midkii ay qaateen RW Kheyre iyo golahiisa Wasiirada, ayaa waxaa dhici karto in golaha shacabkana ay qaataan go’aan kaa la mid ah taasoo horseedi doonta in RW Xasan Cali Kheyre uu lumiyo kalsoonida golaha Shacabka halkaasno xilkiisa uu ku waayo
Leave a Reply