Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee goordhaweyd ka dhacay magaaladda Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen tiro dad ah iyo qaar kamid ah wariyayaasha ka howlgala gudaha magaaladaas.
Wariyayaasha ku dhaawacmay qaraxa ayaa kala ah C/Shakuur Maxamed oo u shaqeeya Idaacadda Starfm iyo tv-ga Saabtv, C/Qaadir Cumar Ibraahim oo u shaqeeya RTN iyo idaacadda Simba ee Magaaladda Muqdisho iyo Cabdullahi Cismaan Macallin Jubaland TV.
Nin isku soo xirey Waxyaabaha Qarxa ayaa isku qarxiyay afaafka hore ee xarunta maamulka Magaaladda Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, oo xiligaas aheyd mid aad u mashquul badan.
Ilaa haatan ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyadda qaraxa ka dhacay Magaaladda beledweyne.
Leave a Reply