Ciidamada amaanka ee magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa soo bandhigay waxyaabaha maanka dooriya oo lagu qabtay Kantaroolka xili la rabay in magaalada la soo galiyo.
Ugu hoeyntii Taliyaha qeybta Booliska gobalka Bari Cabdixakiin Yuusuf Xuseen oo arintan ka hadlay waxa uu sheegay in maandooriyahan uu dhanyahay labo Kiilo islamarkaana ciidamada Kantaroolku ay soo qabteen ragii watay iyo kuwii loo wadayba waxana sidoo kale uga digay cidkasta oo ku hawlan soo galinta Mandooriyaha magaalada Boosaso.
Dhanka kale Gudoomiyaha Gobalka Bari Yuusuf Maxamed Waceys Dhado oo ku sugnaa madasha lagu soo bandhigayey maandooriyahan ayaa Amaan u soo jeediyey dhamaan laamaha Amaanka ,waxaana uu ku bogaadiyey shaqada ay hayaan
Leave a Reply