Musharaxiin khudbado ka horjeedineysa Baarlamaanka Hirshabeelle

Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa maanta lagu wadaa in lagu soo gaba gabeeyo khudbad jeedinta Musharxiinta Madaxweynaha Hirshabeelle, taasi oo shalay halkaasi ka bilaabatay.

Musharaxiinta kala ah Cabdi Faarax laqanyo, Maxamed Cabdi Waare iyo  C/kariin Cali Nuur ayaa shalay khudbado ka hor jeediyay xildhibaanada Baarlamaanka iyo qaar ka mid ah bulshada dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Sidoo kale maanta waxaa lagu wadaa in khudbado ay jeediyaan ilaa Shan Musharax, lana soo gaba gabeeyo dhageysiga khudbadaha Musharaxiinta Madaxweynaha Hirshabeelle, maadaama ay yihiin Sideed Musharax.

Ammaanka magaalada Jowhar gaar ahaan xarunta Doorashada ayaa aad loo adkeeyay, si uusan u dhicin falal ka baxsan amniga inta lagu guda jiro arrimaha Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle.

16-ka bishan oo ku beegsan Sabtida soo socota ayaa lagu wadaa in Magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha ay ka dhacdo Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle, waxaana socda diyaar garowgii ugu dambeeyay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.