DF iyo Hay’adda ICAO oo heshiis kala

Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya shalay waxaa heshiis ku kala saxiixday Hay’adda maamusha hawada Soomaaliya ICAO iyo Wasiirka Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed C/laahi Salaad (Oomaar).

Heshiiskaas ayaa ahaa sida Dowladda Soomaaliya iyo ICAO ay uga wada shaqeyn lahaayeen sida ugu dhaqsiyaha badan in loo soo wareejiyo maamulka Hawada Soomaaliya.

Maxamed C/laahi Salaad (Oomaar) Wasiirka Duulista Hawada Soomaaliya oo warbaahinta kula hadlay magaalada Nairobi ayaa sheegay in duhurnimada maanta la dhameystiri doono heshiiska ay kala saxiixdeen ICAO iyo Dowladda Soomaaliya.

“Kulanka aan la yeelanay madaxda Hay’adda ICAO wuxuu ku saabsanaa sidii maamulka Hawada Soomaaliya loogu soo wareejin lahaa magaalada Muqdisho,in si dhaqsi ah arrintaasi ay u dhacdo, ayaan ka wada hadalnay, waxaan kala saxiixanay heshiis ku saabsan in Hay’adda FISS oo hadda Nairobi ku maamusho hawada Soomaaliya ay ugu soo wareejin lahayd Muqdisho.” Ayuu yiri Wasiir (Oomaar).

Warar soo baxayay ayaya waxa ay sheegayaan in maamulka Hawada Soomaaliya loo wareejin doono Dowlado kale, si ay u maamulaan, maadaama Soomaalida dhexdeeda uu khilaaf ka dhextaagan yahay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.