Carwada Bandhigga Buugaagta oo maalintii labaad Muqdisho ka socda “SAWIRRO

Waxaa maalinkii labaad magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ka socda bandhigga carwada buugaagta oo sanadkii Saddexaad lagu qabanayo Muqdisho, shalay oo Khamiis aheydna furmay.

Xafladda furitaanka waxaa ka qayb galay Madax ka tirsan Dowladda Soomaaliya, xubno ka socday Beesha Caalamka, Dadweyne fara badan oo u badnaa dhalinayo wiilal iyo gabdho isugu jira.

Sanadkan waxaa Bandhigga lagu casuumay Aqoonyahano, xirfadlayaal, qorayaal iyo dad kale, kuwaas oo soo bandhigga buugaagta ay qoreen, waxaana kafaa’idaysta buugaagta ay soo bandhigaan dadka ka qeyb galayaasha ah.

Carwadda bandhigga buugaagta ayaa lagu tilmaamay mid guul u ah shacabka Soomaaliyeed oo ay wax badan oo aqoon ah ka faa’iidaystaan, iyadoo la ogyahay in magaalooyinka qaar ee dalka laga bilaabay bandhig nuucaan ah sida Hargeysa iyo Garowe.

Maalinta berri ah oo Jimco ah ayaa la filayaa in la soo gaba gabeeyo bandhigga carwada buugaagta, iyada oo lagu wado in ay ka qeyb galaan Madaxda ugu sareysa ee dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.