wasiirka cadaalada oo sheegay inay ka hortagaan musuq-maasuqa

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in Wasaaraddiisa ay ku dadaaleyso ka hortagida eedeymaha kala duwan ee dhanka musuqa loo jeediyo Hay’adaha Garsoorka.

Wasiirka Cadaaladda ayaa sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya uu hada horyaallo sharciga ku aadan la dagaalanka musuq maasuqa, cid kasta oo ka tirsan Hay’adaha Garsoorka oo ku kacda arrimo musuq ahna uu qaban doono sharcigaasi, xilliga Baarlamaanka ay meel mariyaan.

“Dad badan baa waxay leeyihiin musuq maasuqbaa jira, hadii la arko musuq maasuq jira waxaa wanaagsan in loo sheego Hay’adaha ay quseeyaan, sharciga musuq maasuqa Baarlamaanka ayuu horyaallaa, marka la ansixiyo cidii qalad gasha ayuu qaban doonaa.” Ayuu yiri Wasiir Xasan.

Inta badan shacabka Soomaaliyeed ayaa ku dhaliila Hay’adaha Garsoorka dalka in ay ku kacaan falal ku aadan musuq maasuq marka loo tago Hay’adaha Garsoorka oo dadka ay u doontaan arrimo ku aadan Cadaaladda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.