Al-shabaab ayaa hawada ka saaray Isgaarsiinta degaanka Kuunyo-barow shalay ilaa manta, sida ay warbaahinta Risaala u sheegeen dadka degaanka.
Warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan sababta Shabaab isgaarsiinta ay hawada uga saareen in ay tahay baqdin ay ka qabaan in markale Diyaaradaha dagaalka ay halkaasi duqeeyaan.
Degaanka Kuunyo-barow iyo tuulooyinka kale ee hoosyimaada waxaa horey barakac xoogan uga sameeyay dadka reer miyiga ah, kuwaasi oo maciin biday in ay gaaraan degmada Baraawe.
Duqeyntii ugu dambeysay ee ka dhacday degaanka Kuunyo-barow ayaa waxaa lagu bartilmaameedsaday gaari yar oo ay saarnaayeen xubno ka tirsan ururka Al-shabaab, sida lagu sheegay war ka soo baxay Dowladda Mareykanka.
Leave a Reply