Wakaaladda Maraykanka ee Horumarinta Caalamiga USAID ayaa ku dhawaaqday $ 575 Milyan oo dheeraad ah oo gargaar ah in ay siineyso dalalka Yemen, Koonfurta Suudaan, Nigeria iyo Soomaaliya oo Abaaro ay ka jiraan.
Waxay sheegtay Khamiistii ujeedada lacagtan ay u bixineyso in ay tahay sidii ay u caawin laheyd malaayiin qof oo Afartan wadan ku wajahaya gaajada iyo rabshadaha.
“Lacagta dheeraadka ah waxay keenaysaa kaalmada bini’aadanimo ee Mareykanka ilaa $ 2.5 bilyan oo ah afartan dal ee tan iyo bilawgii sanadka 2017.” Ayaa lagu yiri warka Hay’adda Mareykanka ee Horumarinta Caalamiga ah
Leave a Reply