Wasiirka Arrimaha Dibada Xukuumadda Federaalka Soomaliya Yuusuf Garaad Cumar oo ka qeyb galayay kulan Jaaliyadda Soomaliyeed ee dalka mareykanka ay soo qaban-qaabisay islamarkaana su’aalo lagu weydiinayay ayaa ka hadlay sida uu u arko go’aanada Maamul goboleedyadda dalka ka jira ay soo saareen mudooyinkii dambe ee ku aadanaa in ay xiriirka u jareen Dowladda Qatar.
Yusuuf Garaad ayaa sheegay in Dowladd goboleedyadda dalka ka jira aysan xaq u laheyn in ay ka hadlaan arrimaha dibada, taasina mar walba loogu dambeyn doono Xukuumadda federaalka Soomaliya.
Leave a Reply