Axmed Madoobe:-“Wadamada Khaliijka aan Dartood Isku Dagaalayno Bari Bey Heshiin Karaan”

axmed madoobe

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka hadlay khilaafka u dhaxeeya Madaxda Dowladda Faderaalka Soomaliya iyo Maamul goboledyadda dalka ka jira ee sababta u ah khilaafka Wadamada Khaliijka Carabta.

Wadamada Khaliijka ayuu Madaxweynahaha Maamulka Jubba-land Axmed Madoobe uu sheegay in ay yihiin dad walaalo ah oo barri heshiinaya balse loo baahan yahay in wixii iyaga ka dhexeeya aan lagu kala qaybsamin oo aragti loo dhan yahay lagu eego marka soomaaliya laga hadlayo.

Dastuurka wadanka ayuu sheegay Madaxweynaha Maamulka  jubba-land Axmed Madoobe in meelo badan ay mugdi ku jiraan waxa kaliyah ee lagu xalin karana ay tahay wada hadal iyo isku tanaasul.

Khilaafka Siyaasadeed ee ka dhashay arintan ayuu sheegay in Dowlad Goboleedyada qaar ay ka abuurtay qalalaaso Siyaasadeed taas oo aan wanaagsanayn isla markana sida ay u fududahay wax dumintu ay u adagtahay in wax la dhiso.

Madaxweynaha Maamulka Jubba-land Axmed Maxamed Islaam wuxuu sheegay in madaxda Soomaalida looga baahan yahay in wax walba oo dhexdooda ah ay uga tanaasulaan danta Qaranka iyo wadajirka umada.

Dhanka kale Baraha Xiriirka Bulshada ayuu sheegay madaxweynaha maamulka Jubba-land in wax badan oo siyaasada dalka ah ay uga sii darayaan isagoo Bulshada ku booriyay in la isku tanaasulo oo midnimada laga shaqeeyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.