Axmed Madoobe iyo indhakoreey oo uu khilaaf adag soo kala dhex galay. “Akhriso”

janan

Wararka ka imaanayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in halkaasi uu gaaray Wasiirka amniga jubbaland cabdirashiid Indhakoreey.

Indhakoreey ayaa kismaayo u tagay kulan uu layeelanayo axmed madoobe kaasi oo la xiriira in uu baajiyo shirka uu ku qabanayo magaalada kismaayo.

Indhakoreey oo shalay kulan muddo saacado ah qaatay layeeshay axmed madoobe ayaa ku guildareystay in aragtidiisa uu kagado Axmed madoobe oo ku gacan seyray dalab kaga yimid indhakoreey.

Cabdirashiid indhakoreey, oo Ayaa axmed madoobe u sheegay in shirkaas lagu dhabar jabinaayo madaxda sare ee dalka sidaas darteed aysan jubbaland arintaas ku lug yeelan balse axmed oo ay ka go’antahay hagardaameynta dowladda federaalka ah ayaa arinkaasi diiday kuna adkeystay inuu shirka qabanaayo.

Ilo wareedyo ka agdhaw indhakoreey ayaa Gedo times u xaqiijiyay in indhakoreey uu barri ku laaban doono doolow oo uu awal kasoo kictimay, sidoo kalane laga yaabo in uu falcelin kasameeyo dalabkiisa la diiday.

Lama oga waxa ay falcelintaas noqon karto waxayse u badantahay in uu dagaal lagali axmed madoobe oo ay saxiibo isku fiican ahaayeen, waana masuulkii kaliya ee ugu dhawa kana soo jeeda beesha sade ee axmed udhawaa balse kala fogaanshahooda ayaa u muuqata in re gedo ay xal ukeeni karto bacdamaa naas nuujin badan uu ku qabay.

Dhinaca kale dadka sida saxda ah wax u miisaama ayaa isweydiinaya talow shirkaan uu madoobe qabanaayo muxuu soo kordhin karaa aydoo la ogyahay shirar dib u heshiiskii oo lagu qabtay kismaayo garwadeena uu ka ahaa axmed madoobe uusan fulin wixii lagu heshiiyay.

jubbaland oo ka kooban sadex gobol oo federaalka ah macnihiisu yahay maamul daadajin in uu axmed madoobe kan wayny iyo midka uguyar oo dadka shacabka ee kunool degmooyinka iyo gobolada jubbalabd aysan talooyinka masiirigii waxba kulahayn.

Iyadoo dowlada federaalka ah uu dastuurku u ogalyahay in ay heshiisyada caalamiga ah gasho ayey arintani ka dhalatay gacan dhaaf ay sameeyeen Maamulada dalka kajira qaarkood.

Madoobe oo la aaminsanyahay in lacagta ay imaaraatku bixisay uu saamigiisa ka helay ayaa u dhaqmaya sida qof dhuumanayoo dhabarkiisu muuqdo, oo dowladda wuxuu isaga dhigayaa in uu ayada go’aankeeda ayidsanyahay, halka shirkaan kale ee kisnaayo uu kuqabanaye uu yahay docfaruur uu dowladane kula dagaalamayo xulafada sucuudigane uu ku raali galinaayo.

Dadka ree Jubbaland ayaa isweydiinaya in axmed madoobe oo kismaayo xoog ku haysta sida uu wanaag ugu horseedi karo soomali kale halka kuwii uu masuulka ka ahaa uu ku hayo tacadiyo iyo dhibaatooyinka joogta, sidoo kalane waxay isweydiinayaan daahirnimada axmed madoobe oo lawada ogyahay siduu xilkaas ku helay iyo qaabka kaligii talisnimada ah ee uu kismaayo ku maamulo waa halkii laga oran jiiray “Gacantii daahir ah ayaa wax daahirisa” Bal adba.

W/Q: Tifaftiraha Gedo Times.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.