Xildhibaanada Galmudug oo ku kala qeyb samay go’aankii Maxkamadda Sare

Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa ku kala qeyb samay go’aankii Maxkamadda Sare ay ku ansixisay dhammaanba xil ka qaadistii Madaxweynaha Galmudug, Ku xigeenkiisa iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka in ay yihiin kuwo sharci ah.

Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa qaarkood sheegay in uu saxan yahay go’aanka Maxkamadda Sare, halka qaarkoodna ay sheegeen in warkaasi uu yahay mid la soo dhoo dhoobay oo waxba kama jiraan ah.

Duraan Jaamac oo ka tirsan Baarlamaanka maamulka Galmudug lana hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in uu sax ahaa go’aanka ka soo baxay Maxkamadda Sare ee Galmudug, ee ay ku taageertay xilka qaadistii (Xaaf), balse ay muhiim tahay in dib loo eego mida Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Go’aanka ka soo baxay Maxkamadda Sare waan ayid sanahay ee Madaxweyne (Xaaf) ay xilka uga qaadeen, laakiin arrinta Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka sharci ahaan in loo fiiriyo ayay rabtaa.” Ayuu yiri xildhibaan Duraan Jaamac.

Go’aamada is diidan ee ka soo kala baxaya xubno ka tirsan Maxkamadda Sare ee maamulka Galmudug ayaa sii hurinaya khilaafka siyaasadeed ee maamulka Galmudug

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.