Daawo:Shiiq Dabcasar iyo Qoys Somaliya ayaa Ku guulaysatay Hooyo Rayaan wilkeedii inaysan qaadan qoys Ajnabi ah

dabcasar

Qoysaska Soomalida ee Kunool qurbaha ayaa waxay lakulmaan caqabado badan oo ay kamid yihiin qoysaska oo kala taga mararka qaarkoodna is dacweeya taasina waxay keenta in ilmaha laga qaato, Soomalida ku nool qurbaha ma helaan meelo Caawisa qoysaska oo Soomalida maamusha sida Masjidka, ururda Caawiya qoysayka iyo kuwa lamida.

Shiiq Cabdirixmaan Xaaji Dabcasar ayaa waxa usoo dacwootey Hooyo Rayaan Cabdulaahi oo wiilkeed oo sanad kayar laga qaatay kadib markii dagaal dhex maray ayada iyo odaygeeda, Dabcasar ayaa waxuu ku guuleystey inuu isu geeyo Rayaan iyo Odaygeedii oo kala tageen waxay ku heshiiyeen in dacwadii la baabi’iyo lagana shaqeeyo sidii wiilka hooyadii loogu wareejin lahaa.

Waxaa kaloo Shiiq Dabcasar lakulmay qoys Soomaliyeed oo Wiilkaan yar Mascuud u gurmaday si aysan dad ajnabi ah loogu dhiibin, Aabaha qoyskaan u gurmaday Mascuud Cismaan Maxamuud Jibriil oo ah qoys Culima ah ayaa Soomalida ugu baaqay in Caruurta Soomalida loo gurmado oo la bad baadiyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.