Xildhibaan K/Galbeeed”Waxaan diyaarinay Mooshin xil ka qaadis madaxweynaha k/Galbeed ah”

koonfur

Xildhibaan Dhubad Maxamed Dhaqane “C/raxmaan” oo ka tirsan Baarlamaanka Maamulka koonfur Galbeed oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in kalfdhigooda lagu wado in uu furmo 16-ka Bishaan kadibna ay geeyaan Shirka golaha Mooshin xil ka qaadis ah Madaxweynaha Maamulkaasi Shariif Xasan Shiikh Aadan.

Xildhibaanka ayaa sheegay in ay dhibaato badan ku qabaan madaxweyne Shariif Xasan oo ay sheegeen in ay Curyaamiyay hormarka deegaanka mudo ka badan 3 sano sida uu hadalka u dhigay Xildhibaan Dhubad Maxamed Dhaqane.

Magaalooyinka Baydhabo iyo Muqdishoayaa waxaa ka socda kulamo lagu abaabulayo mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha maamulkaasi sidoo kale Madaxweyne Shariif Xasan shiiikh aadan ayaa dhankiisa wada dadaalo uu siga difaacayo Mowjadaha siyaasadeed ee ku wajahan Xilkiisa.

Lama oga sida uu xaalka noqon doono, balse waxaa Guud ahaan koonfur galbeed laga dareemayaa Guux siyaasadeed oo xoog leh Guuxaasi oo ka dhan Shariif Xasan Shiiikh Aadan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.