Ahlusuna oo degaanadeeda ka mamnuucday Gaadiidka muraayadaha madow leh

Maamulka gobolada dhexe ee Ahlusuna ayaa degaanadooda waxa ay ka mamnuuceen Gaadiidka leh muraayadaha Madow, kadib war ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada maamulkaasi.

Taliyaha Ciidamada Booliska maamulka gobolada dhexe ee Ahlusuna C/wahaab Sheekh Yuusuf ayaa sheegay in maamulka uu soo saaray sharci mamnuucaya in degaanada maamulka lagu dhex kaxeeyo Gawaarida leh muraayadaha Madow.

C/wahaab Sheekh Yuusuf Taliyaha Ciidamada Booliska maamulka gobolada dhexe ee Ahlusuna ayaa ujeedka amarkan ku sheegay in uu yahay sidii loo adkeyn lahaa ammaanka guud ee degaanada maamulka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.