Dhagesyo:Munaasabad lagu furayay Dugsiga Farsamada Gacanta oo lagu qabtay magaalada Caabudwaaq ee gobalka Galgaduud.

Munaasabadaan oo ay ka soo qayb galeen Maamulka iyo Shaqaalaha Hay’adda HOPEL ,Odoyaal,Haween iyo Dhalinyaro ayaa lagu qabtay Xarunta Dugsiga Tababarka Xirfadaha Gacanta (ABUDWAK VOCATIONAL TRAINING CENTER SCHOOL ) ee magaalada Caabudwaaq.

Xiriiriyaha Hay’adda HOPEL ee Galmudug Maxamuud Maxamed Cabdi (Istuuraaye) ayaa sheegay ujeedka laga leeyahay Barashada Xirfadda gacanta ay tahay sidii Bulshada ay ugu noqon lahayd shaqo abuur iyo ka qayb qaadashada xasilinta Nabadda deegaanka.

Qaar kamid ah dadkii ka hadlay Munaasabada Furintaanka Dugsiga farsamada gacanta ayaa dhamaantood isku raacey in waxa kaliya ee Bulsho hormar ku gaarto ay tahay Waxbarasho.

Sikastaba Dugsiga Farsamada Gacanta ee ABUDWAK VOCATIONAL TRAINING CENTER SCHOOL oo horey ay uga baxeen 11 Dufcadood ilaa 2012 oo la hirgaliyay Dugsigaan ayaa waxaa wax ku bartay Ardey gaareysa 2,500 (Labo kun iyo Shan boqol) kuwaasi oo qaar kood hada aqoontii ay barteen unoqotay Shaqo abuur ay ka helaan nolol maal-meedkooda.

cw

cw

cw

cw

cw

cw

cw

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.