Khilaafka siyaasadeed ee ka dhexeeyay madaxda maamulka galmudug oo sii xoogeysanayo.

Waxaa weli magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Galmudug ka taagan xiisad Siyaasadeed u dhexeysa Hogaamiyaha maamulka iyo mas’uuliyiinta ka hooseysa.

Xiisada ayaa ka dhalatay kadib markii qaar kamid ah Xildhibaanada maamulka ay sheegen inay xilka ka qaaden Hogaamiye Xaaf oo aan sana jirsan, waxaana xigay xil ka qaadis kale oo lagu sameeyay Ku-xigeenka Xaaf iyo Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka.

Xiisada ayaa waxaa ku kala qeybsamay Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Galmudug, waxaana lasoo sheegayaa inay u kala jabeen 3 garab oo kala aragti duwan.

1-Garabka Koowaad ee Xildhibaanada ayaa rumeysan in xiisada jirta lagu xaliyo wadahadal isla markaana meesha laga saaro muranka fogaaday.

2-Garabka labaad ee Xildhibaanada maamulka ayaa qaba in lasoo doorto maamul cusub isla markaana leysla tuuro Seddexda mas’uul ee uu khilaafka u dhexeeyo.

3-Garabka Seddexaad ee Xildhibaanada ayaa qaba in Xaaf uusii wato shaqadiisa maadaama usuan dhameysan 6 bil, isla markaana xilka laga qaado Ku-xigeenkiisa iyo Guddoomiyaha baarlamaanka.

Xildhibaanada Seddexda garab u kala qeybsamay ayaa sii kala fogaaday wixii ka danbeeyay go’aankii Maxkamadda Sare ay ku ansixisay dhammaanba xil ka qaadistii Madaxweynaha Galmudug, Ku xigeenkiisa iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka in ay yihiin kuwo sharci ah.

Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa qaarkood sheegay in uu saxan yahay go’aanka Maxkamadda Sare, halka qaarkoodna ay sheegeen in warkaasi uu yahay mid la soo dhoo dhoobay oo waxba kama jiraan ah.

Xildhibaan Duraan Jaamac oo kamid ah baarlamaanka maamulka ayaa sheegay in uu sax ahaa go’aanka ka soo baxay Maxkamadda Sare ee Galmudug, ee ay ku taageertay xilka qaadistii (Xaaf).

Duraan waxa uu sidoo kale qabaa in Maxkamada laga doonaayo inay dib ugu laabato xil ka qaadista Hogaamiye ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Si kastaba ha ahaatee, kala qeybsanaanta Xildhibaanada ayaa muujineysa in meel xun uu maraayo Khilaafka Madaxda sare ee maamulka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.